Hogaamiyaha Al-Shabaab oo gaaray Gobolka Gedo iyo Diyaarado dagaal oo Gobolkaasi Dul haadaya.

Wararka laga helaayo Gobalka Gedo gaar ahaan duleedka Garbahaarey ee Gobalka Gedo ayaa soo sheegaya maanta in halkaasi uu gaaray Ciidamada Al-Shabaab iyo hogaamiyahooda Axmed Diiriye, waxaana halkaasi lagu arkay diyaaro dagaal oo dul haadaya deegaanadii Shabaabka iyo Hogaamiyahooda lagu arkay.


Dadka ku dhaqan Gedo ayaa soo sheegaya in Diyaaradahaan dagaalka maanta lagu arkay duleedka Garbahaarey aan la ogeyn dalka laga leeyahay,waxayana saraakiisha Dowladda sheegeen inay faah faahin ka bixin doonaan markii ay helaan xog dhameestiran.
Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in Al-shabaab ay ku jira xaalad cabsi ah waxayna ka firxadeen duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay ku waayeen Ciidan badan iyo saraakiil muhiim u ahaa kuwaas oo lagu laayay deegaano ka mid ah K/Soomaaliya.