Ergay loo magacaabay Soomaalida Liibya iyo Fariin loo diray shacabka Soomaaliyeed

Iyadoo si dhab ah loo fulinayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ee ahaa in ay Dowladdu deg deg u qaaddo tallaabo kasta oo sharci ah oo loogu soo celin karo dalkooda hooyo Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibiya, ayaa waxa ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Ergo gaar ah u magacawday u guur-gelida iyo soo xaruurinta xota dhabta ah ee Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibya.

War-saxaafadeed uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, ayuu ku sheegay wadatashi heer Madaxweyne kadib in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi, loo xil saaray u kuurgalida, iyo soo uruurinta xogta dhabta ah ee Soomaalida ku xanniban dalka Liibiya, iyadoona Danjiraha la faray in uu laba toddobaad gudahood ku soo diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Soomaalida joogta dalka Liibiya iyo waliba talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqaaqdo.

Danjire Cali Saciid Faqi oo tixraacaya fulinta howsha Qaran ee loo igmaday waxa uu fariin u dirayaa dhamaan
 qeybaha kala gedisan ee Bulshada, Hey’addaha Xuquuqda Insaanka, Bahda Warfaafinta iyo shaqi weliba oo macluumaad kala wadaagi kara dhibaatooyinka Soomaalida ku sugan dalka Liibya, in ay xogtaasi la wadaagaan, iyadoona lagu soo hagaajin karo fariimaha iyo xogta, Email;somalilibya@gmail.com

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Yuusuf-Garaad Cumar, waxa uu Mas’uuliyiinta iyo Hey’adaha Dowladdaka ka codsanayaa in ay Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.

MAHADSANIDIIN
somalilibya@gmail.com