Xildhibaan Fiqi: “Waa wax laga xumaado in Mareykanka uu Shabaab ku sheego shacabkii uu Bariire ku dilay”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dadka rayid ah ee Mareykanka uu ku dilay Bariire, in hadana uu Shabaab ku sheego.

Xildhibaan Fiqi oo la hadlay BBC, ayaa xusay in hadalkan uu carro gelinayo ehelada tobanka qof ee Mareykanka uu ku dilay hawlgalka uu ka fuliyay Bariire.

Mareykanka, ayaa si xoogan uga horyimid inay rayid ahaayeen dad shacab ahaa oo 25-kii bishii August uu ku dilay weerar ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

War Saxaafadeed uu soo saaray Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa waxaa lagu sheegay baaritaano muddo ay wadeen ka dib inay ogaadeen dadkaasi in ay Shabaab ahaayeen, oo aanay rayid ahayn.

Hadalkan, ayaa wuxuu khilaafayaa hadal ay Dowladda Somaliya ka soo saartay weerarkaasi, ayna ku cadeyneysay in dadkaasi ay rayid ahaayeen, iyadoona tacsi u dirtay qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen.

Mahdi Maxamed Guuled (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, ayaa tacsi u diray qoysaska dhibane-yaasha, isagoo ka dhawaajiyay dadka dhintay inay ku jireen carruur iyo dad da’ ahba.