Wasiir kale oo iska casilay Xukuumadda Hirshabeelle

Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Dhaqancelinta Hirshabeelle Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec ayaa xalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka uu u magacaabay Madaxweyne Waare Arbacadii ina dhaaftay.

Sababta uu xilkan isaga casilay ayuu ku sheegay Wasiirka, kadib hadal uu siiyay Warbaahinta gudaha in ay tahay inuusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay.

Sidoo kale Arbacadii oo aheyd maalinkii lagu dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada Hirshabeelle waxaa is casilay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Hirshabeelle Ismaaciil Maxamed Culusow, ka dib markii uu sheegay inaanan lagala tashan xilkaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 57 xubnood oo ka kooban Golihiisa Wasiirada, Wasaaradaha uu soo dhisay Madaxweyne Waare waxaan ku jirin Wasaaradda Haweenka.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Khayre oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa wuxuu Risaala u sheegay hanaanka loo maray magacaabista in ay tahay mid qaldan, wuxuuna Madaxweynaha ku eedeeyay inuu ka baxay balamo uu xildhibaanada la galay.