Maxkamadda Mandheera oo xukun ku riday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay Al-Shabaab.

C/raxmaan Cabdi Taakoow oo ah Muwaadin Soomaali ah ayay maxkamad ku taala Magaalada Mandheera ee Bariga Dalka Kenya ku xukuntay 30-sanno oo xabsi ah, Muwaadinkaasi Soomaaliga ah ayaa lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.


Muwaadinkaan Soomaaliga ah ayaa da’diisa lagu sheegay 22 jir, waxaana laga qabtay gudaha xabsi ku yaala Magaalada Mandheera, iyadoo loogu shakiyay inuu wararka iyo sirta Ciidamada u siin jiray Maleeshiyadka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Ciidamada Boliiska Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa Gacanta ku dhigay C/raxmaan Taakoow 14-kii Septembar ee Sanadkan 2017-ka, iyadoo ninkan la eedeeyay uu iska fogeeyay eedeemaha ay ku soo oogeen saraakiisha Ciidamada ee gacanta ku soo dhigay.
Dhanka kale xubno badan oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer dowladda Kenya gacanta ku dhigtay,iyadoo ay ku eedeynayso inay xiriir dhow ay la leeyihiin Al-Shabaab, waxayna Ciidamada Kenya cabsi badan ka qabaan in Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyaan magaalooyinka waaweyne ee wadanka Kenya.