Maamulka Sh/Dhexe oo Heshiin dhex dhigaya Beelo ku dagaalamay Deegaanka Burdheere iyo..

Wararka laga helaayo deegaanka Ceel-Macaan iyo dagmada Warshiikh ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilowday howlgal ay ciidamada dowladda ka sameynayaan,si loo xaqiijiyo ammaanka wadadaasi .


Howl galka ciidamada ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay sidii halkaas looga saari lahaa kooxo mileeshiyaad ah oo maalmahanba halkaas dhiganayay jid gooyooyin ay ku dhibaateynayaan dadka shacabka ah, iyadoo Maleeshiyaadkaasi halkaas dadka ay uga qaadayeen lacago sharci daro ah oo ay u sii dheer tahay dhibaatoyin loo geysto dadka rakaabka ah,islamarkaana laga qaadanayay wixii ay wataan.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Sh/Dhexe ayaa maanta ku baxay inta u dhexeysa deegaanka Ceel-Macaan iyo degmada Warsheekh ee gobalka Shabeelaha Dhexe, si looga hortago kooxaha maleeshiyaadka ah ee isbaarada u taala wadaadaasi.
Gudoomiyaha gobalka Sh/Dhexe Axmed Meyri Makaraan ayaa u kuur galaya xaaladda wadada isku xirta degaanka Ceel-Macaan iyo Degmada Warsheekh ee gobalka Shabeelaha Dhexe, iyagoo gaaray deegaanka Ceel-Macaan.
Maanta ayaa la filayaa in gudoomiyaha iyo wafdigiisa ay tagaan dagmada Warsheekh ee gobalka Shabeelaha Dhexe oo la filayo iney caawa ku hoydaan,waxaana ay halkaas kaga sii gudbi doonaan dagmada Cadale ee Gobolkan Sh/Dhexe.
Dhanka kale madaxda uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Sh/Dhexe ayaa ujeedkooda wuxuu yahay inay soo afjaraan Colaad laba beelood ka taagnayd oo dagaalkooda ka bilowday Tuulada Buurdheere, kuwaasi oo iyagu horay u gaaray Heshiis hordhac ah, waxayna madaxdu ay u tagayaan degmada in halkaasi lagu qabanayo shirka lagu heshiisiinayo Beelihii ku dagaalamay deegaano hoos taga dagmada Cadale kuwaas oo horay heshiis hordhac ugu gaaray jowhar, balse loo balamay in hishiiska ugu danbeeya lagu gaaro dagmada Cadale gaar ahaan deegaanka Burdheere oo ah halkii ay ka bilaabatay colaada labada beel oo ah mid mudo badan soo taagneyd.