Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare geystay oo saakay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaasi oo ka dhacay goob mashquul badan.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Masjid Raxma ee magaalada Boosaaso, waxaana si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafdaha magaalada Boosaaso.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nuuca qaraxa uu ahaa, dadka qaar waxa ay sheegayaan Qaraxa inuu ahaa mid lagu tuuray Ciidamo goobta marayay, halka dadka qaarna ay sheegayaan in markii horeba goobta lagu diyaariyay.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku dhimatay, 8 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxan oo isugu jira Ciidamo iyo dad shacab ah, waxaana dadkii dhaawacmay la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso, si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto, Dadka qaar waxaa waxyeeleysay Rasaas ay fureen Ciidamada Qaraxa kadib,

Ciidamo dheeraad ah oo hubeysan, kana tirsan maamulka Puntland ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana Ciidamada ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay falkan.

Maamulka Puntland weli si faah faahsan ugama uusan hadlin Qaraxan ka dhacay Magaalada, waxaana magaalada maanta laga dareemayaa dhaq dhaqaaq Ciidan.