Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga oo Magaalada Baraawe kula hadlay Ciidamada Xoogga dalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga tirakoobka ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.


Wasiir ku xigeenka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay Maamulka Magaalada Baraawe, Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka uu ugu horeeyo Taliyaha Ururka 25-aad ee Guutada Sedexaad Ciidamada Xoogga dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Wasiiska oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay inuu kormeeray Goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka, wuxuuna Warbixin ku saabsan xaalada cidiamada ka dhageystay Saraakiisha hoggaamineysa.
Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa la hadlay Ciidamada Xoogga dalka, waxaana uu bogaadiyay hawsha wanaagsan oo ay u hayaan shacabka Soomaalkiyeed, isagoo u balanqaaday in wasaaradda Gaashaandhiga ay dardar galin doonto ka warqabka xaalada iyo baahida ciidamada si ay guud ahaan ula wareegaan Amniga guud ee dalka, wuxuuna ka codsaday inay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan sidii guud ahaan cadowga ay u ciribtiri lahaayeen.
Wafdiga wasiir ku xigeenka ayaa kulan la qaatay Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna u sheegeen Bulshadii ay la kulmeen in ciidamda xoogga dalka ay shaqo wanaagsan ka hayaan magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow.