Wafdi uu Horkacayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo gaaray Degmada Xudur ee G/Bakool.

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan kusoo biiray dowladda Soomaaliya horayna uga tirsanaan jiray dagaalyahanada Al-Shabaab uu maanta gaaray Magaalada Xudur ee gobolka Bakool.


Sheekh Mukhtaar Safarkiisa waxaa ku wehlinaayay Wasiirkii Hore ee Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Gooni, Xildhibaano iyo Xubno kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.


Madaxda Maamulka gobolka Bakool ayaa ku soo dhaweeyay Magaalada Xudur Sheekh Mukhtaar Roobow, iyadoo Warar kala duwan ayaa ka soo baxayaan sababta uu u tagay gobolka Bakool, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu kulamo la qaadan doono maamulka Koonfur Galbeed,halka wararka qaar sheegayaan wax taas ka duwan.