Maleeshiyaad Al-shabaab ah oo wadada u galay Kolonyo Ka Tirsan Ciidamada Kenya.

Warbaahinta dalka kenya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ka Tirsan Ciidamada Kenya oo marayay wadada xiriirisa deegaannada Wittu iyo Gamba oo kawada tirsan gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.


Dagaalka ayaa ku bilowday miino dhulka ku aasneed oo la kacday mid ka mid ah Gawaaridda Ciidamada Kenya waxaana xigay dagaal toos ahaa oo dhexmaray ciidamada Booliska Kenya iyo ragii ka tirsanaa Al-Shaabab.
Weli war rasmi ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay sedax gaari oo ay wateen ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada.
Dhanka kale Dowladda Kenya wali wax war ah kama soo bixin, oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay lamu ay Al-Shabaab geysteen, sheegteena inay khasaare u gaysteen Ciidamada Kenya.