Kumaandooska Soomaaliya oo Shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Sh/hoose

Ciidamada Kumaandooska Soaomaliya iyo ciidanka Xoogga dalka, ayaa Shabaab kala wareegay gacan ku haynta degaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii saaka weerar qorsheysan ay ku qaadeen.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta degaanka Baladul Amiin oo Shabaab ay si buuxda uga saareen.

Taliyaha Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General Cumar Aadan Xasan, ayaa sheegay in ciidanka ay la wareegeen degaankaasi, Shabaabkii halkaasi ku sugnaana ay kala firxadeen sida uu hadalka u dhigay, kadib markii ciidamada khasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalka.

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa saaka waxay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostagga Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose khasaaro xoogan ayaa la gaarsiiyay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, deegaanka waxaa ku sugan Ciidamada Qaranka, hadda kuma sheegi karo Tirada Al shabaab ee la qabtay maadaama hawlgalka goor dhaw lasoo afjaray, Goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa Tirada nabad diidka gacanta looga dhigay iyo guud ahaan khasaaraha la gaarsiiyay.”ayuu yiri Jeneraal Cumar Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta dowladda.

Ciidamadii Shabaabka ee deegaankaasi ku sugnaa ayaa cararay, kadiba markii ay dareemeen inay xaaladda ku xun tahay.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaaliya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee lagu baacsanaayo deganada Shabaabka ay joogaan.