Madaxweynaha Kenya oo maanta la Caleema saarayo

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta waxaa ka dhaceysa Munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kadib markii uu markale ku guuleystay Doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Dalka Kenya waxaa saakay ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu diyaar garoobayo Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Kenya ayaa ka mid ah Madaxda lagu casuumay Munaasabadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid noqonaya 11 hoggaamiye oo la xaqiijiyay in ay ka qeyb galayaan xafladda Caleema saarka Uhuru Kenyatta, kuwaasi oo ka socda wadamada caalamka.

Madaxweynayaasha ka qeyb galaya Munaasabada caleemasaarka ayaa waxaa ka mid ah madaxda dalalka Soomaaliya, Uganda, Djibouti, Tanzania, Rwanda, Botswana, Zambia, Namibia, iyo Togo.

Farmaajo ayaa caleema saarka kadib wuxuu kulamo gaar gaar ah layeelan doonaa Madaxda qaar ka mid ah gaar ahaan wadamada ay ciidamadoodu joogaan dalka Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Ciidamo badan la dhigey wadooyinka waa weyn, waxaana jira cabsi laga qabo in mucaaradka dalka Kenya oo qaadacay inay ka qeyb galaan tartanka doorashada Madaxtinimada inay dhigaan banaanbaxyo rabshado wata.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.