Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Booqday Saldhiga Turkiga Muqdisho oo lagu tababarayo Ciidamo Soomaaliyeed.+Sawiro

Waxaa maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana halkaas ka socda tababar la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo kale.
Xuseen Carab Ciise Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee Tababar bixineysa, isagoo ka dhageystay Warbixin ku saabsan habka Tababarka uu socdo.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa ku dhiiri galiyay ciidamada inay ka faa’iideystaan Tababarkan heerkiisu uu sareeyo, maadaama ay yihiin geesiyada difaaci doona dalka.