Dowladaha Somaaliya Iyo Qatar oo kala saxiixday Heshiisyo lagu Hormarinaayo Dalka.

Markii maanta uu soo gaaray magaalada Muqdisho Wafddi ka socda Dowladda Qadar ayaa waxay kulamo la yeesheen Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay la saxiixdeen heshiis ku saabsan hirgelinta mashaariic kala duwan, iyadoo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.


Heshiiskan labada dal ay gaareen ayaa la sheegay inuu ku kacaya lacag dhan 200 boqol oo Milyen oo dollar, waxaana heshiiskaasi Soomaaliya u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halka dowladda Qatar uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.
Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageeradan ay dowladda Qatar u fidinayso shacabka Soomaaliyeed.
Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar.
Sidoo kale waxaa la sheegay inay qeyb ka qaadan doonaan shaqo abuurka dhallinyarada iyo dhismayaasha Waddooyinka Burbursan.
Wafdiga ka socday Dowladda Qadar ayaa balanqaaday in lacagtaasi lagu bixinayo mashruuca horumarinta uu bixindoono Sanduqa Caalamiga ah ee horumarinta Dalka Qadar.
Qodabada lagu heshiyay waa kuwan Hoos ku Qoran:
1) Dhismaha Xarunta Xisbiga : Dowladda Qatar ayaa dayactir ku sameyn doonto Xaruntii hore ee Xisbiga oo la doonayo inay hadda kadib noqoto Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo meesha uu dagi doono.
2) Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta: Heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah in dib loo dayactiro Dhismaha wasaaradda Qorsheynta.
3) Dhismaha Wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Jowhar: Dowladda Qatar ayaa dhiseyso jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Jowhar oo ah mid aad u burbursan, waxaana laga dhigi doonaa Wadado laami ah oo loo dhisi doono qaab Casri ah.
4) Dhismaha Jidka isku xiro Muqdisho iyo Shabeelada Hoose: Sidoo kale heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah dhismaha jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Shabeelada Hoose.
5) Mashaariic laga fulinayo Gobolada dalka: Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa mashaaric hormarineed oo aad u weyn ka fulin doonto qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya
6)Mashaariic Horumarinreed oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale laga fulinayo.