Suuqa Gaalkacyo oo dib loo furay

Waxaa dib loo furay dhaqdhaqaaqa ganacsiga Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kadib markii uu saameyn ku yeeshay dagaaladii ka dhacay Magaaladaasi.

 Masuuliyiinta Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland ayaa maanta tagay Suuqa Magaalada Gaalkacyo oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay xirna.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in heshiis nabadeed ay wada gaareen maamulada Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo si Magaalada Gaalkacyo nolosheeda si caadi ah loogu soo celiyo.

Gudoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland Cabdirashiid Xasshi Cartan iyo Xasan Maxamed Khaliif, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la helo nabad buuxda oo shacabka ay ku ganacsadaan.

Waxa ay sheegeen masuuliyiintaan in la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay Suuqa Magaalada Gaalkacyo, dhaqdhaqaaqa ganacsiga Suuqana uu yahay mid furan oo dadka ay ku ganacsan karaan.

Ciidamadii isku hor fadhiyay Suuqa ayaa la kala qaaday, waxaana arintaasi oo soo dhaweeyay Odayaasha iyo shacabka Magaalada Gaalkacyo oo nabadda Magaaladaasi u baahan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhawr mar waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland, iyadoo heshiisyo horay oo ka dhacay Magaaladaasi aysan dhaqangelin.