Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Dhaxal sugaha Sacuudiga oo Kulmay.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo kamid ah madaxda ka qeyb gashay shirkii ka dhacay Magaalada Riyaad ee looga hadlaye la dagaallanka Argagixisada.

Shirka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) la kulmay Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen Xiriirka labada dal.

Si gaar ah waxay isugu soo hadal qaadeen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Mahdi Maxamed Guuleed  oo khudbad ka jeediyey shirka  ayaa ka warbixiyay dhibaatada Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka waxaa safarkiisa ku wehliya oo kala qeyb galay shirkii ka dhacay Sacuudiga La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay Dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka iyo Kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Dalalkaasi, waxaana lagu soo hadal qaaday dhacdooyinkii ay ku naf waayeen dadka badan ee ka kala dhacay Isgoyska Soobe iyo Masjidka Rowda ee Masar ku yaalla.