Nabadoon Axmed Diiriye oo fariin adag u diray mucaaradka Dowladda

Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa uga digay Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka in la siyaasadeeyo dilkii Marxuum Wasiir Cabaas Siraaji, iyada oo looga hor imaanayo madaxda dowladdda.

Waxa uu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad  dano gaar ah huwan, islamarkaana si kale uga faa’iideysanayo kiiskan.

Nabadoonka ayaa hoosta ka xariiqay in ay haboon tahay in arrintani loo daayo madaxda Dalka.

Waxaana uu xusay in ay muhiim tahay in dowladdu isu keento labada dhinac, islamarkaana si sharci laguy dhameeyo Kiiskaasi.

Dhinaca kale Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa xusay in ay jiraan siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano doonaya in ay dumiyaan Dowladda, iyaga oo uga faa’idyesano dano shaqsiyadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu Dambeyn Axmed Diiriye Cali ayaa ugu baaqay Mucaaradka in aysan ka hor imaan hormarka Dalka, islamarkaana ay taageeraan madaxda Qaranka.