Madaxweynaha Soomaaliya oo saacadaha soo socda lagu wado inuu gaaro dalka Kenya.

Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu saacadaha socda gaaro dalka Kenya si ay uga qeyb galaan Xafladda caleema saarka Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Mr. Kenyatta.


Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay goor-dhaw ka duulaya Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxayna maalinta biri aqalka Madaxtooyada Kenya kaga qeyb galayaan Caleema saarka Madaxweynaha Dalka Kenya.
Dhanka kale warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya kaga sii Gudbi doono Dalka Ivory Coast oo ku yaala Galbeed Qaaradda Africa, wuxuuna madaxweynaha halkaasi uu kaga qaybgalayaa Shir looga hadlaayo xaaladda ay ku sugan yihiin Wadamada Africa oo ay ku jirto Soomaaliya.