Laba ruux oo Shacab ah oo lagu gowracay deegaan ka mid ah Gobolka Sh/Dhxexe.

Wararka ka imaanaya Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in deegaan ka mid ah Gobolkaasi ay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku gowraceen laba ruux oo dadka deegaanka ka mid ahaa.


Ragaan la gowracay ayaa la sheegay in deegaanka daniga oo duleedka kaga beegan Degmada Mahadaay, laga ka xeystay raga la gowracay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaankaas, iyadoo dad kale oo iyana gacanta u galay Shabaabka la iska soo diray, marka laga reebo labada ruux oo halkaasi ay ku Gowraceen.
Dhanka kale wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobalka Sh/Dhexe oo ku aadan labada ruux ee lagu gowracay deegaanka daniga oo dhaca duleedka Degmada Mahadaay, sidoo kale Al-Shabaab ayaa iyana ka hadlin weerarkaasi lagu gowracay labada ruux maadama la sheegay inay iyagu falkaasi ka dambeeyeen.