Ciidamada Mareykanka oo Duqeyn la beegsaday Daacish-ta Soomaaliya ee Pntland (Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM)

Qoraal ka soo baxday Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo garab ka helaya Ciidamada Dowladda Federaalka ay Duqeyn la beegsadeen Daacish-ta Soomaaliya ee ku dhuumaaleysanaya degaanada Puntland.


Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Duqeyntan oo dhacday maanta oo Taariikhda ay ku beegan tahay 27-ka November, saacadu marka ay aheyd 03:00-Pm in lagu dilay Hal Dagalyahan oo ka tirsan kooxda yar ee Daacish.
Warka qoraalka ah ee Mareykanka ayaa sheegaya in Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale Mareykanka uu sheegay inuu xoojinayo taageerada uu siiyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.


Mareykanka ayaa dhowaan laba jibaartay ciidamada ka joogga Soomaaliya ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda dowladda Islaamka faraceeda ku sugan Buuraleyda Galgala ee maamul goboleedka Puntland.
Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay si weyn u xoojisay howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya, waxaana xusid mudan in bishan ay fulisay in ka badan 5 -weerar Saddex ka mid ah ay dhaceen 24kii saac ee ugu dambaysay.

Qoraalka ka soo baxay Taliska Africom