Cali Gacal oo Wadahadalada Jabuuti uga Furmaya Galmudug iyo Ahlu Sunna ku tilmaamay Siminaar

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka hadlay Wadahadalo dalka Jabuui uga furmaya Maamulka uu katirsan yahay ee Galmudug iyo Maamulka Ahlu Sunna.

Cali Gacal ayaa sheegay Wadahadalada labada dhinac uga furmaya dalka Jabuui in aysan aheyn wadahadalo rasmi ah ay kasoo bixi karaan natiijo, waxa uuna tilmaamay kaliya Xubnhaaasi in Jabuuti uga furmayo Tababar ama Siminaar IGAD u qabaneyso.

Waxa uu xusay Cali Gacal in isaga iyo dowlada Federaalka kala hadleyn Urur Goboleedka IGAD oo shirkan abaabulkiisa leh , waxa uuna tilmaamay in IGAD u sheegeen in Jabuuti kulanka ka dhacaya uusan aheyn Wadahadal rasmi ah balse yahay Siminaar.

”IGAD iyagaa ii sheegay in Jabuuti kaliya uu ka furmayo Siminaar ,Hadii qodobo laga soo saaro Siminaarka Galmudug iyo Ahlu Sunna ku qaadanayaan Jabuuti ma aqbali doono hadaan naha Gudoonka Baarlamaanka ” Ayuu yiri Cali Gacal

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili saacadaha soo aadan la filayo in dalka Jabuuti ka furmo wadahadalo lagu heshiisiinayo Maamulka Galmudug iyo Kooxda Ahlu Sunna ee maamusha qeybo kamid ah Galgaduud.