Al-Shabaab oo Gacanta ku dhigtay Diyaarad wax Basaasta oo ku soo dhacday Buuraha Goolis ee Gobolka Bari

Somalia: Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxay sheegteen inay gacanta ku dhigeen diyaarad wax basaasta ee ah nooca aan duuliyaha wadin oo ku soo dhacday meel ku dhow magaalada Boosaaso.


Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa Baahiyay in diyaaraddu ay ku soo dhacday deegaanada loo yaqaan Buuraha Goolis gaar ahaan Calmadoow xilli halkaas ay muddo saacada ah dul heehaabaysay.
Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen inay ciidamo gaar ah oo ka tirsan Dagaalamayaashooda ay qabteen Diyaaradan aan duuliyaha laheyn,islamarkaana waxay sheegeen inay iska leedahay dowlada Mareykanka.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa waxay mudooyinkan duqeymo ka fulinayeen deegaanada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab,iyadooo la ogaaday in mudooyinkaankaan Al-Shabaab ay ka baxsanayaan deegaanada qaar oo haataan ay kaga sugan yihiin gobalada dalka,kadib markii ay sii kordheen weerarada ay geysanayaan diyaaradaha Mareykanka.