War Deg Deg ah: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo goordhow la magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo wadatashi ah uu la sameynayay xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada golaha Shacabka,islamarkaana wuxuu kala tashanayay cida ku haboon in loo magacaabo wasiirka wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya.


Ra’iisul wasaare kheyre ayaa kulan waxaa uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo.isagoona kala tashanayay sidii loo magacaabi lahaa wasiirka wasaarada gaashaandhiga,inkastoo maanta ay suura gashay in wasiirka wasaarada gaashaandhiga soomaaliya loo magacaabo Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan.
Dhanka kale horay waxaa xilkiisa isaga casilay Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid), waxaana xilkaasi inuu qabto loo magacaabay Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod) kadib markii uu talo soo jeedin ahaan golaha wasiirada u dhex keenay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble.