Tahariibayaal ay ku jiraan Somalia oo geeriyooday , kadib markii Dooni ay kula degtay badda Mediterraneanka .

Warbaahinta Caalamka ayaa baahiyay in dad gaaraya ilaa 31 ruux oo tahriibayaal ah ay ku geeriyoodeen, kadib markii ay doon ay la socdeen ku degtay badda Mediterranean-ka.


Ciidamadda badda dalka Libya ayaa sheegay in dadka geeriyooday oo la socday doon ka baxday dalka Libya, kuwaasi oo ku socday dalka Talyaaniga halkaasoo ay doonayeen inay uga sii gudbaan wadamada Yurub.
Wararku waxay sheegayaan in Dadka dhintay waxaa ku jira caruur iyo haween iyo caruur yar yar, sidoo kale ciidamada illaaladda badda Yurub ayaa bad baadshay 60 ruux oo kale oo la socday doon kale oo iyana la socdeen doonta degtay.


Col. Abu Ajala Cabdilbaari oo u hadlay ciidamada badda Libya oo la yiraahdo ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa la bad baadshayba ay u dhasheen dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea Nigeria, iyo Pakistan.
Falkaan Tahriibayaasha waxyeelada ka soo gaartay ayaa ka dhacay meel qiyaastii 37 mile u jirta caasimada Libya ee Tripoli, sidoo kale Khamiistiina 250 ruux oo tahriibayaal Afrikaan ah ayaa la bad baadshay, iyadoo ciidamada badda Talyaaniga illaa Taladaadii hore waxay sheegeen inay ka bad baadsheen in ka badan kun ruux oo Doonyo ku tahriibayay.


Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dadka magangalyo doonka ah ayaa sheegay in 17 sanno ee la soo dhaafay dadka ku geeriyooday badda Libya iyo Talyaaniga u dhaxaysa ay ku dhinteen qiyaastii 33 kun oo ruux.
Dhanka kale sanadkaan waxaa la aaminsan yahay in dadka ayagoo tahriibaya ku maqan badda Mediterranean-ka waxay gaarayaan 3-kun oo ruux sida laga soo xigtay hay’adda IMO.