Madaxda Ugu Sareysa Al Shabaab Oo Khilaaf Xoogan Soo Kala Dhexgalay Kadib Qaraxii Zoobe

Sida lagu daabacay Wargeyska The standardmedia ee kasoo baxa dalka Kenya khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Madaxda Kooxda Al-shabaab kaddib qaraxii 14-kii Ocober ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil Sirdoon ah oo la hadlay Wargeyska ayaa sheegay in madaxda dhexe ee Al-shabaab, guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda oo ah hogaamiyaha Al-shabaab ayaa lagu eedeynayo in uusan la tashan Golaha shuurada ee Kooxda Al-shabaab markii la go’aaminayay Qaraxii isgoyska Zoobbe ka dhacay bishii aynu soo dhaafnay.

Qaraxyadda iyo weerarada Al-shabaab ay fuliyaan ayaa waxaa lagala tashadaa Golaha shuurada ee Al-shabaab kuwaasi oo ansixiya goobaha la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go’aankaas uu kaligiis qaatay hogaamiyaha Al-shabaab .

Sidoo kale Wargeyska The standardmedia ayaa qoray in Hoggaamiyaha Al-shabaab uu haatan bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabaab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-shabaab.

Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 400-qof oo dhamaan shacab ahaa.