Madaxda Ahlusunna iyo Galmudug oo ku wajahan dalka Jabuuti

Hoggaamiyeyaasha Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug ayaa maanta la filayaan in ay gaaraan Dalka Jabuuti, si  loo sii amba qaado wada hadallada u dhaxeeya labada dhinac.

Wafuud ay kala hoggaaminayaan Labada madaxweyne  Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa ku wajahana Jabuuti, iyadoona halkaasi uu ka furmi doono Wada hadallo u dhaxeeyay Maamulladaasi.

IGAD iyo Jabuuti ayaa gar wadeen ka ah shirkaasi, waxaana diirada lagu saarayaa sidii hal Maamul u yeelan lahaayeen Gobollada Dhexe.

Waa wajigi labaad ee Wada hadallada u dhaxeeya labada Maamul, iyadoona dhawaan ay ku kulmeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.