Dadka Deegaanka Booni oo la soo derestay cabsi ah inay la kulmaan weeraro Al-Shabaab ku soo qaado.

Al-Jaziira TV ayaa baahiyay in dad badan oo Kenyan ah ay wal wal ka qabaan inay guryahooda dib ugu laabtaan kadib markii ay horey uga qaxeen deegaanadooda oo ku yaala dhulka keynta ah ee Boni.


Dadkaan oo la hadlay Tv-ga Al-Jaziira ayaa sheegay inay dhawr bilood ka maqan yihiin guryahooda oo ku yaala Boni, kadib markii ay ku bateen weerarada Al-Shabaab, iyadoo dad Kenyaan ah oo ku nool xeryo barakacayaal degen yihiin ayaa iyaguna sheegay in qaar ka mid ah eheladooda lagu dilay weeraro Shabaab soo qaadeen gurayahoodiina la gubay taasoo keentay inay barakacaan.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhawr mar weeraro khasaare geystay ku qaaday tuulooyin ku yaala keymaha Booni, iyadoo Kenya ciidamo badan geysay keynta Booni oo la aaminsan yahay in meelo ka mid ah Shabab ku sugan yihiin.