Ciidamo badan oo la soo dhoobey jidadka magaalada Bosaso

Iyadoo maanta la filaayey inay magaalada Bosaso ka dhacaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo madaxweyne gaas iyo Dp world ayaa waxaa jidadka magaalada Bosaso la soo dhoobey ciidamo faro badan uu wato cismaan afdalow taliyihii hore ee qaybta gobalka bari oo aan la aqoon laan uu ka tirsan yahay hada .

Ciidamadan ayaa la dhigey jidadka hal-bowlaha u ah magaalada Bosaso sida waddada tagta Madaxtooyada, Isgoyska Gaaca, iyo waddooyinka xaafadda Laanta Hawada iyo Xaafadda qadiimka ah ee Xaafad Carab.

Ciidamadan ayaa isugu jira ciidanka Madaxtooyadda iyo ciidamada Birmidka oo ah qabiil tuute loo galiyey , waxaana ay ku hubeysan yihiin gawaarida gaashaaman .

Iyada oo ay maanta ku egthaya muddadii dp world u qabatay ganacsatada inaay doonyahooda cashuurtaan, ganacsatadda ayaa dadaal ugu jirta in dp world dib loogu celiyo fariisimihii laga soo kaxeeyey ee emaaraadka carabta halkaan aay tahay puntland somalia, ganacsatadda puntland ayaa maalintii shalay la hadlaysay dhamaan shacabka pintland in magaalooyinka waaweyn sida Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso ay ka dhacaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo maamulka isku dayey inuu dalka iyo dadkaba gato .

Qaar kamid ah dadka qabanqaabinayey mudaaharaadka maanta aan qabsoomin ayaa sheegay in maalinta berri ay qabanayaan Mudaaharaad nabadgelyo oo ballaaran oo ay ku muujinayaaan in Puntland himiladeedi aan la bur-burin, madaxweynaha Puntland uu ka noqdo in dalka la gato lagana gaddo shirkad Mafia ah.

Mudaaharaadyadda ayaa waxaa kasoo qayb gali doona iskuuladda magaalada bosaso oo beri lagu baaqay in la xiro si loo sameeyo mudaharaadyo nabadeed.