Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Dhaqdhaqaaqyo ka wada Degaanada Galmudug

Wararka naga soo gaaraya Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Degaanada Maamulkaasi ay soo buux dhaafiyeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab,waxayna ay sheegeen inay diyaariyeen Ciidamo ka tirsan Galmudug oo la dagaalama Al-Shabaab.


Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Degaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku Aruursanayaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay hayaan Xogtaasi,wuxuuna sheegay inay ka hortagi doonaan isbaabulka ay Al-Shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa Maamula Degmooyin ku yaalla Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana ka mid ah degmooyinkaasi Degmada Xarardheere iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.