Kenyan Shabaab ah oo ka baxsanaya Duqeymaha Maraykanka oo ku wajahan Kenya.

Agaasimaha Howlagalka Booni Joseph Kanyiri oo kormeerayay Howlgalka Dowlada Kenya ay u Bilaawday inay Al-Shabaab ay ka saarto kaynta Booni,ayaa sheegay inay jiraan Maleeshiyaad Kenyan ah oo Doonaya inay Soomaaliya ka baxaan si ay ugu Biiraan Garabka Jeeysh Al- Eyman ee Kenya ku sugan.


Muwaadiniinta Kenyaan-ka ah ee Al-Shabaab ay u qorteen inay ka barbar Dagalamaan ayaa ka Baxsanaya Duqaymaha Mareeykanku uu ka joogteeyay Soomaaliya, sida ay Sheegeen Saraakiil Kenyan ah.
Mr. Joseph Kanyiri ayaa u sheegay in Hey’ado ammaan oo iskaashanaya inay adkeeyeen Ammaanka Somalia iyo Kenya si looga hortago Maleeshiyad Al-shabaab ka Tirsan ee Soomaaliya ka soo baxsanaya.
“Waan ka war qabnaain xaaladda Soomaaliya aysan Al-Shabaab u ahayn meel ay si fiican uga Howlagali kaaraan, waxayna go’aansadeen inay Soomaaliya ka soo carareen oo ay Kenya galaan, waxaan ku Boorinaynaa inay Maamulka isku soo dhiibaan” ayuu yiri Kanyiri.
Agaasimaha Howlgalka booni, wixii ka dambeeyay markii Mareeykanku uu kordhiyay Weeraradda ka dhan ka ah Al-Shabaab, Maleeshiyaadka Ajanabiga ah ee Kenya ka soo jeeda waxay isku dayayeen sidii Duqaymaha Mareykanak ee Soomaaliya uga Baxsan lahaayeen.
Dhanka kale Duqayntii ugu Dambeeysay ee Mareeyku uu Soomaaliya ka Fuliyay lala Beegsaday Xero Al-Shabaab ay lahaayeen waxaana ku dhintay 100 Maleeshiyaad oo Al-Shabaab ka Tirsan sida uu Mareeykanku sheegay.