Wararkii ugu dambeeyay xaaladda magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in saakay xaaladu ay degan tahay, kadib markii shalay magalada uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii la isku qabsaday Bakhaar laga dhisayay suuqa dhexdiisa, waxaana dagaalkaas kooban ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac ah.

Inta la xaqiijiyay Afar ruux ayaa ku geeryootay, tiro ku dhow 10-na waa ay ku dhaawacmatay, iyadoona ay haatan degan tahay xaalada aagii lagu Dagaalamay, walow ay jiraan xaalado cabsi oo ka jira magaalada.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay qabaan cabsi ah in markale uu dhaco Dagaal, maadaama weli ay is hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay, xaaladuna ay tahay bariga dhexe.

Ciidamo isku dhaf ah oo goobta u tagay dhex-dhexaadin ayaa saakay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wada Afarta gees ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay sugayaan ammaanka guud ee magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Maamulka Galmudug C/rashiid Xaaji Cartan ayaa sheegay inay ka maamul ahaan isku dayayaan in dagaalka la joojiyo iyagoo kaashanaya dhinac kale ee  Puntland, si dagaalku uusan isugu badelin mid weyn.