Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Somaliya iyo Jabuuti oo Baladweyn ku sii jeeda.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya iney socoto qaban qaabo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Gudoomiyayaasha Baarlamaanda Somaliya iyo Jabuuti oo maanta tagaya Hiiraan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa socdaalkiisa ku wehlinaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo Hiiraan utagaya ukuur galida xaaladaha Ciidamada dalkiisa ka socda ee ka howlgalaya deegaano kamid ah Gobolka Hiiraan.

Amniga guud ee Hiiraan ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana socdo howlgalo ay si wadajir ah usameynayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud  ayaa warbixino ka dhageysan doono Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo Safiirkooda Somaliya oo ku saabsan hab dhaqanka Ciidankooda, Dad Hiiraan ayaa ubixinayay Ciidamada Jabuuti “HIIL WALAAL” Sababta waxa ay ku sheegeen ineysan jirin wax dhib ah oo ay ka tirsanayaan Ciidanka Jabuuti.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tagaya Garoonka Ugaas Khaliif ee Baladweyne, si uu usoo dhaweeyo wafdiga balaaran ee maanta tagaya Gobolka, Waare ayaa shalay degdeg ugaaray Magaalada Baladweyn isagoo ka tagay Jowhar.

Labada Gudoomiye ayaa galabtaba dib ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho, waxeyna isu diyaarinayaan kulanka Golaha Shacabka ee Sabtida oo Ajendaha yahay Dhageysiga Khudbada Maxamed Cali Xaamud Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Waa Safarkiisii uhoreeyay ee Somaliya ku yimaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti tan iyo markii xilka loo dhiibay Sanadii 2015-kii, markaas uu geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jbauuti oo Muqdisho soo gaaray 2012-Kii.