Diiyaarado dagaal oo Xalay Saqdii dhexe duqaymo ka gaystay Deegaanka ka tirsan G/J/Hoose.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Tuulada Baqdaad oo hoostagta Degaanka Hoosingow ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Xalay saqdhexe duqeeyeen, waxaana la sheegay in Duqeynta lala beegsaday Saldhig Al-Shabaab ay halkaas ku lahaayeen.


Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dhowr Gantaal lagu dhuftay Saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen Tuulada Baqdaad,waxaana la tilmaamay inay jiraan Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dhanka kale diyaaradaha aan Cidna wadin ee Mareykanku leeyahay ayaa Duqeymo Xariir ah ka fuliyay Gobolada ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya,waxaana ugu dambeeyay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo Maraykanku sheegeen inay ku dileen ilaa 100 Dagaalyahan.