Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaano hoos taga Magaalada Marka.

Wararka laga helaayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay dib ula wareegeen deegaano hoos taga Degmada Marka.


Ciidamada Xooga dalka oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa u suura gshay iney la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Abiikaroow oo ka mid ah deegaanada hoos taga Magaalada Marka ee Gobalka Sh/Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyo kuwa AMISOM oo gaaf wareegaya Xarumihii Al-Shabaab ay kaga sugnayeen deegaankaasi.
Talyaha Guutada Sadexaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed G/Sare Xasan Maxamed Abukar ayaa sheegay in howlgalkaas ay Al-Shabaab uga saareen Abiikaroow ay ka gacan siiyeen ciidamada AMISOM.
Dhanka kale Ciidamada dowladda ayaa mudooyinkaan dambe Gobalkaasi ka waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.