Burcad badbadeed Soomaali ah oo lagu wareejiyey Jasiirada seychelles

Lix ka mid ah Burcad Badeeda Soomaalida ah oo 20-kii bishan Ciidamada Midawga Yurub gaar ahaan kuwa Talyaaniga ay ka soo qabteen Xeebaha Soomaliya ayaa laga dejiyay Dekedda Victoria ee Seychelles Sida uu xaqiijiyay Raymond St Ange oo ah Taliyaha xabsiyada Seychelles.

Raggan laga dejiyay Jasiirada Seychelles ayaa Todobaadkan weerar waxa ay ku qaadeen Markab aan la sheegin dalka laga leeyahay, kaasi oo ku sugnaa Koonfurta Xeebaha Soomaliya, waxaana dhowaan la horkeeni doonaa Maxkamad.

Ciidamada Talyaaniga iyo kuwa Spain ayaa iska kaashaday hawlgal isku xiran oo raggaas lagu doonaayay waxaana suuragashay in gacanta lagu dhigo iyaga, hubkooda iyo Doontii ay wateen.

Ciidamo ka socda dalalka Midawga Yurub ayaa ka howlgala Xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Kooxaha Burcad badeeda ee Qafaalada Maraakiibta, Afduubna Ka gaysta biyaha Soomaliya

Kiisaska Burcad badeeda Somaliya oo aad u yaraa, ayaa hadda waxa ay u muuqdaan kuwa dib u soo cusboonanaya, inkastoo aysa laheyn awood badan oo weeraro ay ku gaystaan.