Wafdi uu Hogaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow soo gaaray guddomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo, waxaana loo soo dhaweeyay si aad u heer saraysay.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda ka socota Dowladda Jabuuti waxaa la filayaa inay ka qeybgalaan kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka, islamarkaana wuxuu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale waa markii ugu horeysay oo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaaro Soomaaliya, balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Baarlamaanka Jabuuti.