Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ururka 60-aad

Waxaa maanta tababar loo soo xiray Cutubyo ka tirsan Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Tababarkan ugu soo xirey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.


Munaasabadda xiritaanka tababarkani waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) Abaanduulaha ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Madaxtooyada.
Tababarka ciidamadaasi ay qaateen waxaa ka mid ahaa Difaaca, Asluubta, la macaamilka madaxda iyo shacabka, Taliyaha Ururka 60-aad ee ciidanka Madaxtooyadda G/S,Axmed Maxamed Cali (Afcaddey) ayaa sheegay iney dhowaan bilaabi doonaan Dufcadii Saddexaad ayna mar kasta saraakiisha ciidanku u diyaarsan yihiin ciidanka dalka in laga dhiso dhan walba.