Al-Shabaab oo wadada u galay Kolonyo Ciidamada Dowladda ah duleedka Degmada Baraawe

Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid oo ay la socdeen ciidamada dowladda.
Dagaalka ayaa saaka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose iyo degaanka Ambareeso oo Baraawe aanan ka fogeyn.

Somali hardline Islamist fighters man on June 1, 2009 a position in the Yaqshid district of Mogadishu. A roadside blast killed five policemen on June 1 within hours of a fierce battle between Somali government forces and insurgents in a separate part of the capital. The blast, wchich injured five people seriously, came a few hours after government forces overran a police station controlled by insurgents following fierce fighting in the north of the city on the Indian Ocean coast. The police station fell into insurgent hands during early days of the latest round of fighting that hit the Horn of African nation last month. AFP PHOTO / ABDIRASHID ABDULLE (Photo credit should read ABDIRASHID ABDULLE/ AFP/ Getty Images)

Gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada dowladda ayaa wadada loo galay, xilli ay doonayeen inay gaaraan degaanka Ambareeso, halkaasi oo ciidamo kale oo dowladda ka tirsan iyo kuwa AMISOM ay ka wadeen geed jaris ku aadan goob la doonayo in laga sameeyo Saldhig ciidan.
Wararku waxay sheegayaan in Dagaal culus uu dhexmaray ciidamadii Shabaabka ahaa ee weerarka jid galka ah u dhigay ciidamada dowladda ee gaadiidka dagaalka watay, waxay Saraakiisha ciidamada dowladda sheegeen in Hal askari uu kaga dhintay weerarkaasi, iyaga oo sidoo kale sheegay in dhankooda ay dileen tiro Dagaalyahano ah Shabaab ah.