Xuska Mowliidka Nabiga CSW oo si weyn loogu diyaar garoobayo magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka

Qabanqaabo xooggan iyo diyaar garow aad u ballaaran ayaa ka socda gobolka Banaadir degmooyinkiisa kala duwan, kaasi oo loogu diyaar garoobayo xuska bisha Mowliidka oo ku beegan dhalashadii Nabi Muxamed N.N.K.H oo ku beegan 12-ka bisha Mowliidka.

Degmooyinka sida xooga leh looga diyaar garoobayo xuska Nabiga CSW ayaa u oo ay ka mid yihiin: Kaaraan, Shibis, Yaaqshiid, Boondheere, X/Weyne, Shangaani,C/Casiis iyo degmooyin kale.
Waxaa si weyn loo xardhay isla markaana dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeyay xarumaha diimeed sida Dugsiyada, Mowlacyada iyo Masaajida ku yaala xaafadahaasi oo xilligii ay Shabaabku gacanta ku hayeen ahaa goobo bahallo galeen ah oo dhir fara badan ka baxday.

Gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa ka bilaabatay aqrinta Siirada Nabigeena Muxamad CSW,Qur’aanka iyo ducooyinka bisha Mowliid ay akhrinayaan culumaa’udiinka Ahlu Sunna, kuwaasi oo ugu sii diyaar garoobaya 12-ka bisha Mowliid oo iminka ay naga xigto wax ka yar 5-maalmood.