War Deg Deg ah: Xildhibaan Goor-dhaw lagu dilay Muqdisho, kadib markii rasaas lagu furay

Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisholagu dilay Alle ha u naxariistii Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen Ilaalada Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.


Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu marayay Nawaaxiga Bar Control oo ku taala Sayidka waxaana Gaarigiisa oo ku soo dhawaaday gaariga Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya la sheegay inay rasaas ku fureen Gaariga Marxuumka dhintay.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxda dowladda iyo saraakiisha ammaanka magaalada Muqdisho.