Wafdi uu Hogaaminaayo Ra’iisul Wasaare Khayre oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Socdaalka Raiisul Wasaare Khayre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo oo uu kula kulmayo bulshada iyo waxgaradka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kula soo kulmi doono madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaa sidoo kale lafilayaa in uu la kulmo saraakiisha iyo ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi