Al-Shabaab ka baxsanaya duqeymaha diyaaradaha Maraykanka oo Gaaray Deg. Matabaan.

Wararka laga helaayo Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen tuulooyin hoos yimaada degmadaasi,taasi oo cabsi badan ku abuurtay dadka deegaankaasi.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa Tuulada ay tageen lagu magacaabaa Tuulada Madhooyo oo 25km u jirta degmada Matabaan, waxaana la soo sheegayaa in halkaasi ay gaareen Maleeshiyaad Shabaab ah oo wata gaadiid dagaal kuwaasi oo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedada ay halkaasi u tageen.

Dadka ku dhaqan Tuulada Madhooyo ayaa arkayMaleeshiyaad Shabaab ah oo ay la socdaan gaadiid Dagaal oo gaaraya ilaa 5-gawaarida dagaal, iyadoo sidoo kale lagu qiyaasay shabaabka deegaankaasi tagay ilaa 80-maleeshiyo, waxaana la socda saraakiil Shabaab ah.

Shabaabka Baxsadka ah ayaa fariisimo ka samaystay dhulka Buuraha ah iyo dhul kale oo keyn ah, waxaana la sheegay in maamulka Ahlusunna ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay ka wadaan deegaankaas inkasto ay ku tilmaameen ragaas Al-Shabab ka tirsan kuwo raadinaya goobo ay gabaad ka dhigtaan,kadib markii ay korartay duqeymaha dhinaca Cirka ah oo ay wadaan Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Dhanka kale Degmada Matabaan ayaa la sheegay inay ku yaalaan dhul Buuraley ah iyo deegaano keyn ah oo Al-Shabaab gabaad u noqon kara.