Muuse Biixi oo loo doortay madaxweynaha Soomaaliland

Muse Biixi Cabdi ayaa loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Xisbiga Kulmiye ee uu murashaxa u yahay Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19%.

Muse Biixi Cabdi ayaa ahaa guddoomiyaha xisbiga talada haya Somaliland.

Xisbiga Waddani ee uu murashaxa u ahaa Cabdiraxmaan Cirro ayaa doorashadii usbuuc ka hor ka dhacday Somaliland waxa uu helay 40.73% halka xisbiga UCID uu helay 4.17%.