Maqaal: Taariikh Cusub Soomaaliland iyo bilaw khayr leh u noqoto Soomaaliweyn

Guuldarrada ka dul kici wayday Hawiyihii beri ismahadiyay ee ismoodsiiyay in uu soomaalida kale oo dhan sandulleyn karo, iyo sidii uu dhexdiisa isu eeday, iyo sida caawa taladiisii oo dhami gacantiisa uga maqan tahay, kow.

Fashilka siyaasadeed iyo tolnimo ee maamulkii Butlaand ee Hartinnimada xinka ah loo abaabulay sida loogu kala dhintay ee caawa qoyska keli ah ee Maxamuud Saleebaan ku dhex qayilayo, laba.

Isaaqnimadii harag shabeelka Soomaalilaand la yidhaahdo loo geliyay, ee la sheegay in lagaga goboobayo gumayntii reer koonfurka, ee suntii qabyaaladeed ee 27 sano soomaalida kale loo walaaqayay caawa iyagii dhameen ee la wada sakaraadsan yihiin, ee reerihii kale ee dalka la degganaana ka sii dideen, saddex.

Saddexdaa qolo waliba goonideeda wax ay caawa yaqiinsan tahay haybta tolnimadu dhab ahaan in aanay wax macno ah u lahayn caddaaladda ay qolo waliba sheegtay in ay raadinayso iyo xaqa ay ku cabatay in uu ka maqan yahay.

Qolo waliba caawa wax ay qirsan tahay tolkeed oo ay gooni u la baxdaa in aanay u dammaanad qaadayn ayaa dhaama ku jiridda soomaali oo dhan.

Waaya’aragnimadaasi laga yaabee in ay sabab iyo bilaw khayr leh u noqoto soomaaliweyn oo mar kale la isla doonto. Isqaabaynta dawladeed ee soomaalida taariikhdeedu dhammaad ma aha ee waa bilaw.

Dhacdooyinka kale…….:

Haa, qabiilooyinku geela xoog bay ku ka la dhacaan ee doorasho dhalanteed ah ku ma ka la saanyadaan.

Dawladnimo sharci ku dhisan iyo doorasho xalaal ah oo loo siman yahay baa cod wax la gu ka la helaa oo qaran la gu noqdaa.

Niman ficilo iyo xin reernimo laabta iswada garaacaya, oo dawlad ummad dhami wada lahayd sida geelii u dhacay, in ay reeraha kale ku yidhaahdaan doorasho aannu annagu maamulaynno ayaannu idiin qabanaynnaa, oo sanduuqyo aannu meelahaa dhigdhignay oo waxa aannu doonno ku shubannay baannu natiijada ka soo baxda reeraha kale ugu dawladaynaynnaa, haddii ay suuragelayso, weligeedba Geeska Afrika xabbadi ka ma dhacdeen ee waxaa loo qaybsanaan lahaa qabiilooyin wax addoonsada iyo kuwo la addoonsado.

Sidaa darteed, nimanka Hagbadda la xiiqsanow, taariikh cusub maanta inoo ma bilaabi kartaan ee miyirsada oo dalka ha innaga duminnina dadkana ha innaga laynnina.

W/Q: Ibrahin-Hawd Yusuf