Kumaandooska Soomaaliya oo weeraray Deegaan ku yaala Sh/Hoose, iyagoo soo qabqabtay Saraakiil Al-Shabaab ah

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Degaanka Danwale oo hoostaga Degmada Walanweyn ayaa sheegaya in maanta Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya ay Gacanta ku dhigeen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.


Maleeshiyaadka Al-Shabaabka ka tirsan ee la sheegay in la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay 16,waxaana ku jira Saraakiil sare sare oo Shabaab u qaabilsan Qaraxyada iyo Weerarada Tooska ah sida ay sheegeen Saraakiil ka mida Ciidamada Xoogga Dalka.
Raggaan ka tirsan Shabaab ee Gacanta lagu dhigay ay Miinooyin ku aasayeen Degaanka lagu qabtay ee Danwale,waxayna saraakiishu sheegeen inay ku jiraan Saraakiil mudo lagu raad joogay.
Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay Warbaahinta u soo bandhigi doonaan Magacyada iyo Xilalka ay hayeen Saraakiisha Shabaabka ah ee lagu qabtay Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoona Milatariga Soomaaliya ay sheegeen in la Burburiyay Saldhiga Al-Shabaab ay Degaankaas ku lahaayeen.