Warbixin:-Tiradii Ugu Badneed Ciidamada AMISOM oo Lagu Dilay Gudaha Soomaliya

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ayaa wada qorshe Ciidamada Amisom loogu saarayo Gudaha Dalka Soomaliya.


Wargeyska Dailynation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in Ciidamadii ugu badnaa ee AMISOM ka socda lagu dilay Soomaliya Sanadkaan 2017-ka waana tiradii ugu badneed ee la dilay tan iyo markii AMISOM soo galeen Soomaliya sanadkii 2007-kii.
Weeraradda ka dhaca Magaaladda Muqdisho iyo qaraxyadda ayaa sababay in ay iscasilaan Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya Abdirashid Abdullahi iyo Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Ahmed Mohamed Jimcaale Cirfiid.
Sidoo kale Golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii Ciidamadda booliska Soomaliyeed jeneraal Saacid iyo Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya C/laahi Maxamed Cali (Sambalooshe).
Dowladda Mareykanka ayaa Muwaadiniinteeda ugu digtay in ay usoo safraan gudaha Soomaliya, waxayna ku amartay kuwa ku sugan in ay si deg deg ah kaga baxaan magaaladda Muqdisho, kadib markii ay kordheen weeraradda qorshaysan oo qaraxyadda u badan.

Dagaalka Al-shabaab

Wareysi uu siiyay wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya Abdirhaman Osman Yarisow wargeyska Sunday Nation ayuu ku sheegay in dagaalka dagaalyahanaddda Xarakadda Al-shabaab uu yahay mid qatar ah islamarkaana Dowladda Soomaliya ay awooda isugu geyn doonto sii loogu guuleysan lahaa dagaalyahanadda Al-shabaab.

Weeraradda

Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya C/laahi Maxamed Cali(Sambalooshe) ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay bishii aynu soo dhaafnay kadib markii qarax ay ku dhinteen 400 oo qof uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Taliye Sambalooshe xil ka qaadistii ayaa loo sababeeyay kadib markii wargeyska New York Times uu daabacay warbixin uu ku dhaleeceynayo beesha Caalamka oo uu sheegay in ay ka gaabiyeen caawinta hay’adaha amniga Soomaliya, islamarkaana Hay’adda NiSA ay ku guuldareystay in ay baaritaan dhab ah ku sameyso weerarkii 14-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.
“Si loogu guuleysto Al-shabaab-ka Soomaliya waxay u baahan tahay qabiiro iyo qalab,waxaa loo bahan yahay in ay wada shaqeeyaan Hay’adaha amniga Soomaliya iyo beesha Caalamka”, ayuu ku daabacay Wargeyska New York Times qeybta ra’iga Sambaloolshe.
“Waxaan sameenaa Howgalo indho la’aan ah,beesha caalamka waan kala hadalnay sidii ay noo caawin lahaayeen balse way nagu daawanayaan”, ayuu yiri Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya C/laahi Maxamed Cali(Sambalooshe).

Ka bixitaanka Ciidamadda AMISOM

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay bishii aynu soo dhaafnay in Ciidamada AMISOM qeybta ugu horeysa ay Soomaliya ka bixi doonaan dhamaadka Sanadkaan 2017-ka.
Bishii aynu soo dhaafnay 100-askari oo ka Tirsnaa Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo 623-qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weeraradda iyo qaraxyadda dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ka geysteen Soomaliya.
AMISOM ayaa warbixintaan laga diiwaan galiyay in 281-askari loogu dilay gudaha dalka Soomaliya kuwaasi oo ku dhintay qaraxyadda iyo weeraro dagaalyhanadda Xarakadda Al-shabaab ay ka geysteen saldhigyadda AMISOM ee Soomaliya.
Wargeyska DailyNation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo oo ku guuleystay doorashadii Soomaliya ka dhacday 8-dii bishii February ee sanadkaan 2017-ka, uu balan qaaday in uu wax ka badali doono amniga dalka Soomaliya balse Soomaliya ay haatan taagan tahay meeshii ugu xumeed dhanka amaanka, kadib markii ay kordheen qaraxyadda ka dhaca goobaha dowladda ay maamusho.

WQ:-Abdirahman Mohamud Elmi