Taliyaha Ciidamadda Gen. Gorod oo Booqday Saldhiga Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Gen.C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Taliye Gorod ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay inay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka.

Dhanka kale Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowladda Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowladda Turkiga ugu amaanay Taliyaha doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.