Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo digniin soo saaray

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cusmaan oo Muqdisho shir Jaraa’id ku qabtay ayaa uga digay dad uu sheegay in ay dhisanayaan Xarumihii Ciidanka Asluubta.

Waxa uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in Xarumahaas la dhisto isla markaana uu bilaabanayo isla xisaabtan ku aadan sidii looga hortegi lahaa.

Sidoo kale wxa uu sheegay in dhulka Ciidanka Asluubta uu yahay mid Qaran loona baahneyn in la dhisto,isaga oo dalbaday in la soo celiyo kuwa hadda Shaqsiyaadka ay degan yihiin.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Ciidanka sluubta Soomaaliyeed haatan loo la’yahay halkii ay degi lahaayeen sidaas darteedna aan macquul aheyn in Xarumihiisa la dhisto.