Maxkamada Sare ee Kenya oo Uhuru Kenyatta u Ansixisay Guushii Doorashada dalkaasi uu ka gaaray.

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay gebi ahaanba tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay.


Garsoorayaasha dhagaysanaysay dacwadaasi oo gaarayay ilaa lix garsoore ayaa isku raacaday guusha Kenyatta, iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.
Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraaga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari gudhaood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta.
Go’aankan ayaa wuxuu waddada u xaarayaa in madaxweyne Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo.
Dhanka kale Maxkamadda oo la alkumay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.