Ciidamada Midowga Yurub oo qabtay Burcad Badeed Soomaali ah oo weerartay Markab Ganacsi.

Ciidamadda Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay qabteen Koox Rasaas ku furtay Markab ku suganaa Biyaha Soomaaliya, waxayna sheegeen in khatarta Burcad badeeda ay wali ku wajahan tahay Maraakiibta Ganacsiga ee mara Biyaha Soomaaliya.


Burcad badeeda la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay 6-ruux, kuwaas oo la xiray kadib markii ay weerar ku qaadeen Markab Xamuul oo qaadkiisu ahaa 52,000 ton, sida Ciidamadda Badda Midowga yrub ay ku sheegeen war ay soo saareen Axaddii, waxayna sheegeen inaysan wax waxyeelo ah ka dhalan weerarkii ay burcad badeeddu markabka ku qaaden.
Ragga Burcadnimadda lagu eedeeyay waxaa gacanta loo galiyay Maamul Awood u leh dacwad oogistooda ayaa lagu sheegay warka ay soo saareen ciidamadda Midowga Yurub,laakiin Ciidamadu ma aysan sheegin magaca cidda ay Gacanta u galiyaan ragga Hubeeysan ee weerarka ka geeystay Biyaha Soomaaliya.
Dhanka kale weeradda ay Burcad badeedu fuliyaan Sanadihii 2011 iyo 2012 kii ayaa gaaray 176 weerar, Wixii xiligaas ka dambeeyay ayuu midowga Yurub uu aad u laba jibaaray Dadaaladda ka hortagga burcad Badeedda Soomaaliya waxaana lagu guuleeystay inay yaraadaan Weeraradoodu sanadihii u dambeeyay.